Rename Somaliland
Xeerarka Madasha & Anshaxa

Xeerarka Madasha (Community Guidelines)

Madashani waxay dhiirrigelinaysaa doodo Magaca ka badalka Somaliland, iyo aragtiyo xor ah oo ku wajahan mustaqbalka Somaliland.

Waxyaabaha La Dhiirrigelinayo
  • ✓Soo-jeedimo Taariikheed: Soo bandhigidda magacyo ku leh taariikhda, deegaanka, ama afka Somaliland.
  • ✓Dood Cilmiyeed: Falanqaynta faa'iidooyinka iyo caqabadaha dib-u-habeynta magaca Somaliland.
  • ✓Taageerada Magaca Hadda: Doodaha difaacaya sii-haynta magaca dastuuriga ah ee Somaliland.
Waxyaabaha Mamnuuca Ah
  • ✕Aflagaado & Hadallo Naceyb ah: Wax kasta oo ku saabsan qabyaalad, aflagaado shakhsi, ama hanjabaad.
  • ✕Spam & Xayeysiis: Soo gudbinta magacyo aan macno lahayn, xayeysiis ganacsi, ama qoraallo soo noqnoqda.
  • ✕Kashifidda Sirta Dadka Kale: Soo bandhigidda nambarada ama xogta shakhsiyeed ee dadka kale iyadoon ogolaansho laga haysan.

Maxaa dhacaya haddii xeerarka la jabiyo?

Faallooyinka ama soo-jeedimaha jabiya xeerarka madasha waxaa qarin doona ama tirtiri doona Systemka Kaas oo Si Automatic ah u saari doona (suspension).

Rename Somaliland — Madal Wadatashi Dadweyne